Home
Welcome to the Frontpage
Shirka wadahadalka qaybaha Soomaalida ee Jabuuti
Sunday, 11 May 2008 23:09
Dalka Djibouti waxaa weli ka soconaya dadaal la doonayo in lagu suurta geliyo qabsoomidda shir dib u heshiisiineed ee dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, oo ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobay.

Waa maalintii 2-aad ee ay halkaasi ku sugan yihiin ergooyin ka kala socda dowladda ku meel gaarka ah iyo isbahaysiga dib u xoreynta dalka ee saldhiggiisu yahay dalka Eritrea.
Read more...
 
Ciidamada Itoonbiya oo laba qof oo rayid ah ku dilay gudaha Baydhabo
Sunday, 11 May 2008 23:02
Dad Rayid ah ayaa Ku Geeriyooday Maanta Rasaas ay ku Fureen Ciidamada Ethiopia meel ay ku sugnaayeen Dadkaasi oo ka Mid ah Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ilaa labo qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyootay Rasaas ay fureen Ciidamada Ethiopianka Bartamaha Magaalada Baydhabo iyadoo dadka la dilay ay wararku sheegayaan In ka Shakiyeen Ciimada Ethiopianka oo saaka Isku Dharariyay Wadada Halboowlaha ah ee Bartamaha Magaalada Baydhabo xili ay ilaalo ka hayeen Booyad ay iyagu leeyihiin oo biyo ka dhaansaneeysay Wakaalada Biyaha Ee magaalada Baydhabo.

Read more...
 
Shirkii ee Soomaalida ee Jabuuto oo baaqday
Saturday, 10 May 2008 19:27
Waxaa maanta baaqday shirkii lagu waday in uu ka furmo dalka Jabuuti ee dhaxmari lahaa dowladda fedralka Somaliya iyo mucaaradkeeda ku sugan Asmara, kaasoo ey dhex-dhexaadineyso beesha caalamka.

Ma cada ilaa iyo iminka waxa sababay dib u dhaca shirkan lagu waday in uu maanta furmo,laakiin mar uu ka hadlay arinkan ra`iisal wasaaraha Somaliya uu sheegay in uu ka xunyahay baaqashada shirkan maanta.
Read more...
 
Ahmedou Ould-Abdallah oo rajo ka muujiyay
Saturday, 10 May 2008 21:04
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay bilaaban doonaan wada hadallada ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Read more...
 
Amnesty oo ka deyrisay xaaladda Somalia
Tuesday, 06 May 2008 19:46

Warbixintan oo ka kooban 32 bog aya waxay guud ahaan eeda xadgudubyadda ka dhacay soomaliya dusha uga tuuraysaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh colaada soomaliya.

Waxaana lagu sheegay in dhinacyadan ay weli sii wadaan inay gaystaan dilal, jir dil, kufsi iyo garaac iyo sidoo kale in iyadoo aan kala soocin dadka la tiigsanayaan xabsi wax dacwad ahna aanay ku soo oogin.

Read more...
 
«StartPrev12NextEnd»

Page 1 of 2
 

Web hosting