|
Wednesday, 14 May 2008 13:15 |
|
Madaxweynaha Mareykanka Joorg Bush ayaa booqasho ku tagay dalka Yuhuudda si uu uga qaybgalo xafladda lixdan guurada maalintii Israa'iil la soo dejiyey dalka Falastiin. Bush waxa uu sheegay in dabaaldeggan ka sokow uu doonayo in uu arrimaha nabadda Bariga dhexe uu kala hadlo Falastiin iyo Israa'iil. Bush waxa uu intaa raaciyey in uu doonayo in Falastiin ay noqoto dowlad madax bannaan inta uusan ka degin madaxtinnimada Mareykanka oo ku aaddan 01/01/2009.
Dhanka kale Falastiiniyiinta ayaa ayagana isu diyaarinaya bannaanbax murugo leh oo lid lid ku ah farxadda 60 guurada Israa'iiliyiintu ay la faraxsanyihiin. Maalinta Khamiista ayaa Falastiiniyiinta waxa ay ku dabooli doonaan hawada Qudus balooniyaal madow oo la buufiyey si ay u muujiyaan murugadooda. |
|
Tuesday, 13 May 2008 17:41 |
|
Xukuumadda Suudaan ayaa sheegtay in qofka soo qabta ama dila Madaxa mucaaradka Suudaan ee Daarfuur Khaliil Ibraahiim in ay siineyso adduun dhan $246,000,000 (laba boqol iyo afartan iyo lix milyan oo Doollarka Mareykanka ah) oo ah toban laabka lacagta uu Mareykanku ku bixinayo Usaama Bin-Laadin soo qabashadiisa.
Khaliil Ibraahii ayaa sheegay in uu ku suganyahay Khartuum qaybteeda Ummu-Durmaan, uuna sii wadi doono weerarka ilaa uu rido xukuumadda Khartuum. Wasiirka gaashaandhigga ee Suudaan ayaa isna sheegay in Khaliil uusan joogin Khartuum iyo meel u dhow toona, waan raadinaynaa meel kasta oo uu tago ilaa Daarfur daafaheeda. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in uu ka nadiifiyey mucaaradka meelihii ay soo galeen.
Madaxa ciidamada qalabka sida ee mucaaradka Daarfuur Suleymaan Sindaal ayaa isna sheegay in ciidamadiisu ay goosteen in dagaalka la soo gaarsiiyo Khartuum wuuna soo gaaray buu yiri, waana wadi doonnaa. Diinsoor.com - Khartuum |